Mareykanka oo ugu baaqay Axmed Modobe in Beelaha dega Goboladaasi Baarlamaanka laga qeybgaliyo

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ee sida ku meel gaar ah ugu shaqeeya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay soo dhoweeyay ballamada sheegaya in beelaha dega Gobolada Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo inay Baarlamaanka Jubaland State ay iska dhex arki doonaan.

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyey ayaa lagu yiri, hadlka Madaxweynaha Maamulka Jubaland  Sheekh Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ahaa balaarinta Golaha.

Sidoo kale waxaa lagu yiri warsaxaafadeedka “  Dawlada Maraykanku waxay bogaadinaysaa hawlgelinta wax ku oolka ah ee ay wadaam Axmed Madoobe, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke si wax looga qabto dhibaatooyinka ka qaybgalka loo dhan yahay.

Ugu dambeytii waxaa lagu yiri warsaxaafadeedka “ waxaan ku dhiirigelinaynaa dhamaan sii wadida hormarka laga sameynayo doorashada dhamaadka 2016.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor