Mareykanka Oo Soomaaliya Ugu Hambalyeeyey Munaasabada 1-da Luuliyo

Dowladda Mareykanka, ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ugu hambalyeysay 56 sana guuradii ka soo wareegatay markii Soomaaliya ay xurnimada qaadatay, kowdii July ee 1960-kii.

War ka soo baxay xafiiska xoghaya wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu lagu sheegay in Kerry uu hamblayadaasi u diraayo shacabka Soomaaliyeed isagoo ku hadlayo magaca madaxweyne Obama iyo midka shacabka Mareykankuba.

Xog-haye Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageereyso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dumuqraaddiyad fadhida.

Warka Xog-haye Kerry, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid dhabbaha u xaarta dimuqraddiyadda, ammaanka iyo in barwaaqo la gaaro.

Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanku uu ku faraxsan yahay in si rasmi ah safaaraddii Soomaaliya ee Washington dib loo furey November-tii tagtay, iyadoo sidaasi si la mid ahina ay Mareykanku Soomaaliya u dirayaan danjirahoodii muddo 25 sano kadib.

Kerry ayaa sheegay in Soomaalida ay yihiin dad adag, sida uu kaga dhawaajiyay markii uu Muqdisho tagay bishii May. Waxa uu u rajeeyay maalinta Kowda July darteed Soomaalida oo idil farxad iyo nabad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor