Mareykanka oo shaaciyay inuu adkeynayo shuruucda Safarka iyo sababta keentay

Madaxweynaha Mareykaka Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in la adkeynaayo xeerarka safarka xili Mareykanku uu xaqiijiyay in ay jiraan tiro ku saabsan cudurka Omricom oo lagu arkay gudaha dalkaasi.

Laga bilaabo todobaadka soo socda, dadka safarka ah ee caalamiga ah ee tagaya Mareykanka, oo ay ku jiraan dadka Mareykanka ah, waa in ay maraan baaritaan 24- saac ah ka hor inta aysan dhoofin, iyadoo aan loo eegeyn heerka tallaalka.

Shuruudaha qaadashada maaskarada ee loogu talagalay diyaaradaha, tareenada iyo basaska ayaa la kordhin doonaa illaa bartamaha Maarso.

Toban kiis oo nooca Omicron ah ayaa laga helay Maraykanka,gaar ahaan California, Colorado, Minnesota, iyo New York, iyo Hawaii.

Dhinaca kale ,Saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku baaqay manta oo Jimco ah in dalalka caalamka,gaar ahaan Wadamada Aasiya-Pacific ay kor u qaadaan awoodda daryeelka caafimaadka,isla markaana ay si buuxda u tallaalaan dadkoda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor