Mareykanka Oo Shaaciyay In Ay Ka Hortageen Weeraro Al Shabaab Ay Ku Qaadi Rabeen Saraakiishooda

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (Africom) ayaa lagu sheegay in ay ka hortageen weerar qorsheysanaa oo Xarakada Al Shabaab ay ku qaadi rabeen Xoogaga Mareykanka ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Kasoo Baxay Taliska Dawlada Mareykanka Ee Qaarada Afrika “Africom” Ayaa Sidoo Kale Waxaa Lagu Sheegay In Mareykanka UU Ka War-qabo Qorshaha Weerar Ee AL-Shabaab, Kuwaasi Oo Dawlada Mareykanka Ay Sheegtay In Ay Al-shabaab Ay Qorsheynayaan Weeraro Cusub Oo Lagu Ekeeyo Xarumaha Ciidamada Dawlada Iyo iyo Kuwa AMISOM.

” Al-shabaab Waxay Qorsheynayaa  Weerar ay la Damacsan yihihiin in ay ku beegsadaan ku dhawaad 50 Askari oo ku sugan Dalka Soomaaliya kuwaasi oo la Dagaalanka Xarakada Al Shabaab ka taageera Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM” Sidaasi Waxaa Lagu Yiri Qoraal Kasoo Baxay Howl-galka Dawlada Mareykanka Ee Qaarada AFrika.

Hadalkan ayaa waxuu imaanayaa maalmo un markii Xarakada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Hoteelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho, Kaasi Oo Ay Ku Dhinteen In Ka Badan 15 Ruux Oo Ay Kujireen Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’isulwasaaraha Ee Arrimaha Bii’adda Alle ha U Naxariistee Burci Max’ed Xamza Iyo Dr Ducaale Shiid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor