Wasiirka Gaashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha uu dalkiisu u xanibay kaalmada ay siin jireen ciidanka Soomaliya.
Maraykanka ayaa baaritaan muddo dheer soo socday oo ay soo gaba gabeeyeen bishii 5aad ee sanadkan waxa ay ku ogaadeen in kaalmada dhaqaale ee ay siin jireen ciidanka la musuq maasuqay, kadibna wada-hadal dhex maray dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya la isla qaatay in la hakiyo kaalmadaan tan iyo inta dib loo saxayo hanaanka lacag siinta Ciidanka Xoogga Dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujineyso musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jira hoggaanka Ciidanka Soomaaliyeed kaas oo muddo dheer soo socday, haatanna uu maraykanku kalsooni weyn ku qabo in la soo afjari doono arrinkan wiiqay dib u soo kabashada ciidanka.
Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka waxa uu bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax kaga qabanayso musuq maasuqa baahsanaa ee ka jira ciidanka.
“Xiriir wanaagsan ayaa la leenahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Federaalka, xaqiiqdii tallaabooyin muuqda ayey u qaadeen la dagaallanka musuq maasuqa, waxaanse og-soonnahay in ay wakhti u baahantahay sidii ay mira-dhal u yeelan lahaayeen dadaaladaasi.”
Mr. Jim Mattis waxa uu tilmaamay in talabada lagu hakiyey gar-gaarka ciidamada Soomaaliya ay ka dhalatay siyaasadihii gurucnaa ee uu dhaxlay Farmaajo.
“ Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse sida aan ogsoonnahay waxa uu dhaxlay xaalad aad u adag.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka.
Dhanka kale, waxaa kor loo qaaday tiradii ciidamada Maraykanka ee joogay Soomaaliya oo haatan gaaraya 500 oo askari kuwaas oo tababar iyo tayeyna u wada ciidanka xoogga dalka, waana tiro sida uu sheegay Xafiiska Maraykanka ee Afrika “Africom” aad uga badan tirooyinkii horay u joogay Soomaaliya.
AFRICOM warbixin ay soo saartay bishatan December waxa ay ku sheegtay in Madaxda Soomaaliya ee haatan talada haya ay yihiin kuwo ay ka go’antahay in ay dalkooda ka hir geliyaan nabad dhammaystiran sidoo kalena Maraykanka waxaa ka go’an in arrinkan ay ku garab siiyaan, korna ay u qaadaan dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Soomaaliya.
Sidoo kale, Hay’adda lacagta Adduunka IMF ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya hirgelinta hannaan maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo kaas oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan.