Mareykanka oo Muwaadiniintiisa kaga digay in ay u safraan dalka Kenya

Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa looga digay Muwaadiniintooda inay u socdaalaan Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi iyo Deegaanadda ku dhow Xuduudka Somalia, oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Mandera, Garisa, Laamu, Malindi

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee infozine.com in Muwaadiniinta Maraykanka looga digay cabsida laga qabo Weeraro la filan karo oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Waxaa Muwaadiniinta Maraykanka lagu booriyey inay ka feejignaadaan Cabsida weeraradda iyo khatarta sare ee Dembiyadad ka dhaca gudaha dalka Kenya.

Digniinta loo jeedinayo muwaadiniinta Maraykanka ee booqashadad ku taga dalka Kenya waxaa la sheegay in lagu bedelay Digniintii dhinaca Socdaalka ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay bishii January 13-dii ee sannadkan.

Dhinaca kale, Maamulka Duullimaadyadda ee Federalka Maraykanka (the Federal Aviation Administration (FAA) ) waxay bishii Febraayo 26-dii ee sannadkan waxay soo saareen Digniin lagu cusbooneysiiyey inaysan Diyaaradaha Maraykanka dul-marin Hawada Sare ee Kenya muddo hal sanno ah.

Xigasho:infozine.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media