Mareykanka oo markii ugu horeysay sheegay in diyaaradaha duuliyaha aan laheyn uu ka iibin doono wadamada Afrika

Dowladda Mareykanka ayaa daaha ka rogtay in  inay dalalka saaxiibbada yihiin  ay ka iibinayso diyaaradaha loo yaqaano  Drones-ka , iyadoo ay noqonayso markii koowaaad oo Mareykanku uu sheego inuu iibinayo diyaaradahan.

Ujeeddada Mareykanka uu diyaaradahan uga iibinayo wadamada Africa qaar kamid ah ayaa waxaa lagu sheegay in lagula dagalamo kooxaha  Al-Qaacida, xiriirka ,la leh sida ISIL iyo Al-shabab oo ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay in sababta ku kalliftay inuu xilliga ka iibiyo dalal kale diyaaradihiisa Drones-ka ay tahay sidii aan suuqa ganacsiga looga awood roonaan, kaddib markii dalka Shiinuhu uu billaabeen inay iibiyaan diyaaradahooda Drones-ka loo yaqaan.

Machad falanqeeya kooxaha Islaamiyiinta ah ee caalamka ayaa aamisan in adeegsiga diyaaradahan ay sii laba jibaarmi doonto, adeegsigada xilligan la adeegsado. Iyadoo ay ku kici doonto iibinta diyaaradahan lacag dhan 5.2 bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Dowlada mareykanka ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu horeyay ee dalalka Africa kula dagalama ururada xiriirka la hed Al Qaacida.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor