Mareykanka oo Laba Xarun oo qarsoodi ah Ku leh Soomaaliya

Warbixin Cusub oo ay siideysay Xarunta Foreing Policy ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya laba xarumood oo ay ka weeraran Diyaaradahooda Duuliyaha aan laheyn Hogaamiyeyaasha Al Shabab.

Warbixintasi wax ay sheegatay in Mareykanka uu ku leeyahay Xarumahasi Koonfurta Magaaladda Kismaayo Ee Gobolka Jubbadda Hoose iyo Deegaanka Beledogle Ee Gobolka Shabeeladda Hoose oo ku dhaw Caasimadda Muqdisho.

Sido kale Xarumahasi waxa lagu tababaraa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadda oo ay ku sugan yihiin Xarumahasi askar dhan 120 si gaar ah ugu tababaran fulinta howlgaladda iyo ka hortagga argagixisadda waxa ayna kuwaasi xarun ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo muqdisho u jirta 300 oo mile.

Ila Wareedyo kale ayaa u sheegay Foreing Policy in sido kale Ciidamo kale ay kaga sugan yihiin Mareykanka Deegaanka Beledogle oo ku dhaw Muqdisho.

Mareykanka si rasmi ah uma shaacin inuu Xarumo Militari ku leeyahay Soomaaliya balse Waxa ay Xaruntiisa Militari ee ugu balaaran Afrika uu ku leeyahay dalka Jabuuti sido  kale Itoobiya Kenya iyo Seychelles ayuu xarumo sirdoon ku leeyahay Mareykanka.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay Weeraro  dhinaca cirka oo ay Diyaaradaha Droneska iyo kuwa qumaatiga u kaca ay la eegteen Kooxda Al Shabab tan iyo Sanadkii 2007dii.

Sanadkii hore 2014kii Mareykanka waxa uu duqeyn ku dilay Hogaamiyihii Al Shabab Axmed Cabdi Godane.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor