Mareykanka oo kordhinaya la-dagaalanka argagaxisada iyo Bucad-Baddeeda Soomaalida

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu saxiixay amar fulineed oo lagu kordhiyo xaalada degdega ay Mareykanka kula tacaalayaan Burcad-Baddeeda Iyo waxa ay ugu yeeraan argagaxisada joogta somalia sida hadalka loo dhigay.

Saxiixa Bayaankaasi ee Donald Trump ayaa  yimid, si loo cusboonseysiiyo Amaarkaasi oo xilligiisu ku ekaan lahaa biahs soo socota ee May.

Hadalka ka soo baxay Aqalka Cad waxaa kaloo lagu sheegay inay sii socdaan Khatarta Cabsi ee Somalia oo ku wajahan Ammaanka Qaranka iyo Siyaasadda Dibedda ee Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Amarka Fulinta Xaalladda Degdega ee Maraykanka ee Somalia waxaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay sannadkii 2010-kii, iyadoo dhowr jeer la kordhiyey Xilliga ay Maraykanka kula dagaalamayaan Weeraradda Alshabaab ee Gudaha Somalia iyo Kooxaha Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media