Mareykanka oo ka digay qorshe uu shaaciyay MW Erdogan inay wado dowladdiisa

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CBS ee laga leeyahay Mareykanka ku sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso inay Ruushka ka soo iibsato qayb labaad oo ah gantaallada S-400.

Hase yeeshee Durbadiiba Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa yiri:  “Waxaan uga digeynaa Turkiga inuu qalab dheeraad ah oo militari ka soo gato Ruushka.”

Xukuumadda Ankara ayaa u muuqata in ay dhagaha ka fureysaneyso digniinta Washington, sidii ay marar kaleba horay u sameysay.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa durbadiiba wax laga weydiiyay sida ay dowladdiisa u aragto hadalka Recep Tayyip Erdogan.

Maalinta Arbacada ah ayaa la filayaa in madaxweyne Erdogan uu la kulmo dhigiisa dalka Ruushka, Vladimir Putin, arrimaha kale ee ay ka wada hadli doonaan labada hoggaamiyena waxaa ka mid noqon doona xaaladaha kasoo kordhay waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor