Mareykanka oo abaalmariyay Saraakiil hore uga Tirsanaa AMISOM.

Dowlada Mareykanka ayaa Lix Sarkaal oo u dhalatay Wadanka Uganda waxa ay u aqoonsaden Askar xushmad leh oo si wanaagsan ugu soo tabarucay Howlgalka AMISOM ee lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabab.

General David M. Rodriguez oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka Ee Afrika oo ku hadlayay Magaca Dowlada Mareykanka ayaa abaalmariyay Saraakisha kala:-  Katumba Wamala, Lt. Gen. Andrew Gutti, Maj. Gen. Levi Karuhanga, Maj. Gen. Nathan Mugisha, Maj. Gen. Francis Okello and Maj. Gen. Fred Mugisha.

Shan kamid ah Saraakiishan ayaa la soo shaqeeyay Howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya .

General Katumba Wamala oo ka soo shaqeeyay Soomaaliya ayaa sheegay doorka Mareykanka Ee AMISOM inuu yahay mid aan meesha ka bixi doonin.

Mareykanka ayaa taageera Howlgalka AMISOM oo ay ka qeybgalan ku dhawaad 22,100 oo ka socota Wadamada Uganda,Kenya,Jabuuti iyo Burundi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor