Mareykanka iyo Itoobiya oo sheegay iney iska kaashan doonan ammaanka iyo Nabadda Soomaaliya

Saraakiil dhinaca ammaanka oo ka kala socday Dalalka Mareykanka iyo Itoobiyaha ayaa si wada jir ah u sheegay iney iska kaashan doonan amniga iyo nabadda dalka Soomaaliya.

Labada wadan ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca amniga iyo difaaca ah kadib markii ay kulan balaaran ay qaaten Saraakiil sar sare oo labada wadan ka socday.

Itoobiya Heshiiska waxa u saxiiyay Taliya guud ee ciidamada Dalkasi General Samora Yonis iyada oo uu goobta ku sugnaa Wasiirka Gaashandhiga Itoobiya Siraj Fegessa.

Dhinaca Mareykanka waxa u saxiixay  Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika general David Rodriguez.

Mareykanka iyo Itoobiyaha ayaa ciidamo u soo diray Soomaaliya si ay Dowlada federaalka uga caawiyan dagaalka ay kula jirto Al Shabab.

Mareykanka ayaa sanadkan ka fuliyay Soomaaliya in ka badan 3 weerar oo ay ka qeybgalen diyaaradaha Dagaalka iyo Ciidamada Dhulka ee Mareykanka.

Weerarkii ugu xooganaa waxay diyaaradaha Droneka ay ku qaaden Xarun Al Shabab ay ku leeyihiin deegaanka Raaso ee duleedka Degmada Buula Burde.

Mareykanka waxa uu sheegay inuu weerarkasi ku dilay in ka badan 150 Dagaalame balse Al Shabab tiradasi wey beeniyen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor