Mareekanka oo Xaqiijiyay Dilka Adan Garaar

War ka soo baxay Waaxda Difaaca Dalka Mareekanka ayaa lagu xaqiijiyay in Maalintii Jimacaha ay ku dileen Duqeyn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya Adan Garaar.

Duqeynta oo ka dhacday Deegaan hoos yimaada Degmada Bardheere waxa ku dhintay Sida Mareekanka uu sheegay Adan Garaar iyo Laba Sarkaal oo kale.

Mareekanka waxa uu sheegay in Adan Garaar uu Ku lug lahaa Weerarkii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate Mall Ee Magaaladda Nairobi bishii September 2013kii,76 qof ayaana ku dhintay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor