Mareekanka iyo Kenya oo Ka Hadlay Duqeyn Lala Eegtay Al Shabab

Saraakiil  u hadlay Dalalka Mareekanka iyo Kenya ayaa sheegay in Duqeyntii Shalay lala eegtay Xubno ka tirsan Xarakadda Al Shabab lagu dilay Madaxii Howlgaladda Arrimaha Dibadda Al Shabab Adan Garaar iyo Laba qof oo gaarigga la saarnaa.

Duqeynta waxa ku dhaawacmay Darawalkii Gaariga duqeynta lala eegtay oo Magaciisa lagu sheegay Jaamac Cali Xire Maxamed oo ku waayay Halkasi labadiisa lugood.

Waxa ay ka dhacday Duqeynta Tuuladda Abaq Xaluul oo 25 kM banaanka ka jirta Magaaladda Baardheere Ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Adan Garaar Waxa dhawaan lagu badalay Madaxii hore Ee Howlgaladda Arrimaha Dibadda Al Shabab Yusuf dheeq oo bishii Febraayo ku dhintay Duqeyn ay la eegteen Mareekanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor