Maraykanka oo xaqiijiyey inay duqeyn ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab.

Xoghayaha Warfaafinta ee  Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon”, Peter Cook  ayaa xaqiijiyey inay Khamiistii hore duqeyn ku dileen Xasan Cali Dhoore oo ahaa Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Alshabaab, lana sheegay inuu madax u ahaa Amniyaadka iyo Sirdoonka Alshabaab.

“Waaxda Gaashaandhiga waxay xaqiijisay in Xasan Cali Dhoore oo ahaa Sarkaal Sare oo ka tirsan Alshabaabka Isbahaysiga la ah Alqaacida lagu dilay duqeyn ay Milliteriga Maraykanka ka geysteen Somalia bishii March 31-dii” ayuu yiri Peter Cook.

Waxa uu ku eedeeyey Xasan Cali Dhoore inuu qorsheeyey weeraro sababay dhimashadda ugu yaraan 3 Muwaadiniin Maraykan ahaa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Duqeynta Droneska Maraykanka ku dileen Sarkaalkaasi ayaa yimid wax ka yar hal bil, markii ay Diyaaradaha Droneska iyo kuwa Dagaalka ee Maraykanka duqeeyeen Xero Tababar oo ay Alshabaab ku leeyihiin duleedka Degmadda Buulo-burde.

Waxayna Maraykanka sheegeen inay duqeymahaasi ku dileen in ka badan 150 Maleeshiyo oo qorsheynaysay inay qaadaan weeraro culus ah.

Alshabaab waxay tiradaasi ku sheegeen mid laga badbadiyey, waxayna beeniyeen in duqeymahaasi lagu dilay tirooyinka ay Pentagonka sheegeen.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor