Maraykanka oo Walaac ka muujinaya Kharajka ay siiyaan DFS in loo weeciyo Al-Shabaab

Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Afrika ayaa la sheegay inuu ku fashilmayo sidii uu u hubin lahaa haddii Maalgelinta la siiyo DFS aan loo gudbinin Alshabaab.

Qoraal ay Unugga La-socodka ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saareen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ayey kaga digeen arrintaasi, waxayna sheegeen inuusan Xafiiska weli u dejinin Siyaasad iyio Tallaabadda lagu ogaanayo inaysan Maalgelinta Barnaamijyadda  Maraykanka ka fuliyaan dalalka kalen inaysa noqonin kuwo gacanta u gala Kooxo ay ka mid yihiin Alshabaab, Boko Haram, waa sida hadalka loo dhigay,.

Warbixinta ka soo baxday Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Afrika oo ka koobnayd 44 bog ayaa lagu muujiyey in Kormeerayaal ka tirsan Xafiiskooda tusaale ahaan u soo qaateen 66 million oo Dollar oo ay Dowladda Maraykanak siiyeen Ciiddanka Milliteriga Somalia 7-dii sanno ee la soo dhaafay.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Baarayaasha heleen in Xafiiska Afrika ugu qaabilsan Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka weli sii wadaan inay bixiyaan Mushaarka Ciiddanka Somalia, iyadoo weli lagu guul-daraystay inuu Xafiisku adeeco Sharciga Maraykanka ee mamnuucaya in Taageeradda Waaxda Arrimaha Dibedda siiyaan Milliteriga Shisheeyaha inaan loo adeegsanin falal tacadi ku ah Xuquuqda Aadanaha

Warbixinta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee u gaarka Xuquuqda Aadanaha Caalamka soo saartay sannadkii hore ee 2016-kii ayaa lagu muujiyey inay Ciiddanka DFS tacadiyo u geysteen dadka Rayidka.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inaysan Maamualaayasha Somalia inta badan baaritaano ku samaynin Tacadiyadda ay geystaan Boliska, Milliteriga ama xubnaha Maleeshiyooyinka kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media