Maraykanka oo ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia ansixinta Shuruucda Shirkadaha Xawaaladaha

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda ee dalka Maraykanka waxay magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesotta kulan kula yeesheen Ergooyin ka kala socday Xawaaladaha iyo Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi.

Xubnaha ka socday Waaxda Maaliyadda Maraykanka ee ka qeyb galay Kulankaasi waxaa ka mid ahaa Adam Suzubin oo ah Ku-simaha Xoghayaha Waaxda Argagixisadda iyo Sirdoonka Maaliyadda, Jennifer Fowler oo ah Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Dembiyadda Maaliyadda iya Maalgelinta Argagixisadda iyo Jamaal Al-hindi oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Shabakadda XoojintaDEmbiyadda Maaliyadda.

Saraakiishaasi waxaa Kulankaasi ku casuumay Senator Keith Ellison oo ah Mudane Muslim ah oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka lagana soo doorto Gobalka Minesootta oo ay Jaalliyadda Soomaalida ku badan tahay.

Kulanka ay la yeesheen Xawaaladaha Soomaalida ee u adeega Jaalliyadda Soomaalida, Ururradda aan Dowliga ahayn ee ka hawlgala Bariga Afrika, Bangiyadda Gobalka iyo Saraakiisha laga soo doortay Gobalka Minnesota.

Mas’uuliyiinta ka  socotay Waaxda Maaliyadda Maraykanka waxay diiradda saareen Xaawaalladda Maraykanka ee loo diro Somalia, waxayna hoosta ka xariiqeen inay muhiimadda tahay sidii ay u caawin lahaayeen Shirkadaha Xawaaladaha, loogana hortegi lahaa inaysan Xawaaladaha ku dhicin gacanta waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda.

Ku-simaha Xoghayaha Waaxda Argagixisadda iyo Sirdoonka Maaliyadda Maraykanka, Adam Suzubin waxaa uu aad uga hadlay Walaaca ka dhashay go’aanka ay Bangiyadda Maraykanka ku joojiyeen Adeegyadda Lacagaha loo dirayo Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo Bangiga Adduunka ka taageerayaan Dowladda Federalka Somalia dhinacyadda Tababarka Hawlaha Xawaaladaha, iyo in la xaqiijiyo sugnaanta  Aqoonsiga dadka Soomaalida ee loo soo dirayo lacagha Xawaaladaha.

Adam Suzubin waxa uu tilmaamay inay ka walaacsan yihiin baahida loo qabo inay Dowladda Somalia u ansiyaan Sharciga Lacagaha la xawilayo iyo Sharciga La-dagaalanka Maalgelinta la siiyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor