Maraykanka oo u aqoonsaday Jihadiste Turkish-German oo Alshabaab carbis la qaatay Argagixiye Caalami ah.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa soo saartay Hadal Qoraal ay ku sheegeen inay Imrah Erdoğan oo asalkiisu yahay Turkish, balse haysta Dhalashadda Jarmalka u aqoonsadeen waxa loogu yeeray  Argagixiye Caalami ah (Global Terrorist).

state dept.Qoraalka ayaa lagu xusay in  Cunaqabatayn lagu soo rogayo qofkii shisheeye ah ee la xiriirta Imrah Erdoğan oo loo arko inuu khatar ku yahay Danaha iyo Dadka Marykanka.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka  waxay sheegtay in Ninkaasi la soo tababar qaatay Dagaalamayaasha Alshabaab, isla markaana uu ka qeyb galay Weeraro laga fuliyo gudaha dalalka Kenya iyo Uganda, ka hor inta aan lagu qabanin caasimadda dalka Tanzania ee Darasalam, loona gacan gelinin Dowladda Jarmalka.

Imrah Erdoğan waxa uu haatan ku xiran yahay dalka Jarmalka, iyadoo lagu xukumay 7 sanno.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay kaloo qoraalkooda ku sheegeen inuu Imrah Erdoğan ku biiray Kooxaha ka dhisan Somalia iyo Pakistan, isla markaana dhinaca Telefoonka ku diray cabsi-gelin been abuur ah inuu weerarayo Pakistan iyo Jarmalka bishi iNovember ee sannadkii 2010-kii.

Dhinaca kale, Sarkaal Maraykan ah oo codsaday inaan magaciisa la xiganin ayaa sheegay inuusan Imrah Erdoğan wax xiriir ah la lahayn Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdoğan.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor