Maraykanka oo tababarayo Ciiddamo Ugandese oo loo soo diri doono Somalia.

Ciiddan ka tirsan kuwa Uganda, gaar ahaan kuwa u qaabilsan Enjineeriyadda Rayidka (Civil Engineering) iyo Kala Furfurida Miinooyinka ayaa waxay  Mariniska Maraykanka Tababar ku siinayeen Xeradda Milliteriga ee Singo Camp.

Ciiddankaasi oo dhawaan loo soo diri doono Somalia, ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan Qeybta Enjineeriyadda ee Ciiddanka Uganda, si ay uga taageeraan baahidooda dhinaca Dhismayaasha iyo Baaritaanka iyo Kala-furfurida miinooyinka loo dhigo Ciiddanka AMISOM.

Ciiddankaasi waxaa kaloo loo carbibayaa qeybo badan oo ka mid ah Hawlaha Ciiddanka ee Xilliyadda Dagaalka iyo Nabadda, si ay u noqdaan kuwo la jaan-qaadi kara xaallad kasta oo ay Ciiddanka ku jiraan.

Saddex Engineer oo ka tirsan Mariniska Maraykanka ayaa waxay kaloo Ciiddankaasi ka taageerayaan Wacyi-gelinta Ciiddanka ee dhinaca khatarta qaraxyadda ee IED.

Ciiddanka Uganda ee la tababarayo ayaa la filayaa in bartamaha bishan December laga qaado Carbiskii ugu dambeeyey, si loo ogaado haddii ay ku guuleysteen Xirfadaha kala duwan ee loo tababaray.

Maraykanka waxay tababar iyo qalab siiyaan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka noqonayo Hawlgalka AMISOM, waxaana bishii hore la siiyey Gaadiidka Gaashaaman ee dul-mari kara miinooyinka, si loogu xoojiyo Hawlgalka AMISOM.

© Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor