Maraykanka oo soo dhaweyeeyey go’aankii lagu hakiyey Ciiddanka cusub ee Burundi ee Hawlgalka AMISOM

Hadal qoraal oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin dhacdooyinka ugu dambeeyey ee dalka Burundi iyo tacadiyadda ay geysanayaan Maleeshiyadda taageersan Madaxweynaha dalkaasi, Pierre Nkurunziza oo bishan May 13-dii  ka badbaaday Isku-daygii lagu afgembin lahaa.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay inaan dadka ka dambeeya xasilooni-darradda Burundi loo oggolaan doonin Visaha ama Dal-ku-galka Maraykanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo walaaca xaalladda kacsan ee dalka Burundi, lana dhowrayo Sharciga Maraykanka inaysan Dowladda Maraykanka wax taageero Milliteri iyo tababar ah siin karin Milliteriga Burundi ee geystay tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka waxay soo dhAweysay go’aankii ay Ururka Midowga Afrika (AU)-da ku hakiyeen Ciiddanka Burundi ee loo soo daad-gureyn lahaa Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalka AMISOM.

Qoraalka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa loogu goodiyey Dowladda Burundi  inay khatar ku jirto inay Ciiddankooda ka sii mid ahaadaan Hawlgalka AMISOM, haddii ay sii socdaan Tacadiyadda ay Ciiddanka Ammaanka u geystaan Taageerayaasha mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweynaha dalkaasi, Pierre Nkurunziza

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor