Maraykanka oo Somalia ku daray dalalka uu ka walaacsan yahay dhinaca Socdaalka.

Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka ayaa shaacisay inay dalalka Somalia, Yemen iyo Libya u aqoonsadeen Waddamadda laga walaacsan yahay “countries of concern”, tallaabo la xiriira dhinaca Bixinta Fiiso-dhaafitaanka ee  Maraykanka.

Waxaa la sheegay in dadka booqday dalalkaasi shantii la soo dhaafay in lagu adkeynayo Dal-ku-galka Maraykanka ee Barnaakijka Dhaafitaanka Fiisaha.

Xayiraadan cusub ayaa la soo rogay, kadib, Sharciga la ansixiyey wixii ka dambeeyey Weerarkii Kooxda Daacish ka geysteen caasimadda dalka Faransiiska ee Paris bishii November ee sannadkii hore.

Muwaadiniinta dalalka Isbahaysiga la ah Maraykanka ee doonaya inay u soo socdaalaan dalak Maraykanka ee aan haatan heli karin Fiisaha waxay ka codsan karaan Qunsulliyadaha Maraykanka haddii ay horey ugu safreen dalalka Somalia, Libya iyo Yemen shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka waxay sheegtay in Shuruudahan cusub inaysan si toos ah u waxyeelayn doonin  Muwaadiniinta ka imaanayo dalalka Fiiso Dhaafitaanka ee haysta Labada Dhalasho ee dalalka Yemen, Somalia iyo Libya.

Dhinaca kale, Waaxda Ammaanka ee Maraykanka waxay sheegtay inay kala shaqeyn doonaan Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka si loo go’aamiyo haddii ay jiraan dalal dheeraad oo lagu darayo Liiskaasi.

Maraykanka waxaa horey looga mamnuucay dadka u dhashay dalalka Iran, Iraq, Sudan iyo Syria ee doonaya inay u soo socdaalaan dalka Maraykanka.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor