Maraykanka oo sheegtay inay Hawlgal ku qaadeen Fariisin uu ku sugnaa Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab.

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Abaalmarinta Caddaaladda (the Rewards for Justice) ayaa lagu sheegay inay Komaandooska Maraykanka ka qeyb galeen  Hawlgal ka dhacay Tuulladda Daarusalaam ee Gobalka Sh/hoose.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaasi la doonayey in lagu soo qabto Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Alshabaab, C/raxmaan Maxamed Warsame oo lagu naanayso Mahad Karatee.

Maraykanka waxay  horey u sheegeen inay abaal-marin Lacageed dhan 5 million oo Dollar ku bixinayaan ciddii keenta Warbixin horseedi karta in la soo xiro Mahad Karate.

Websaytka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa kaloo uu qoray  inuu Mahad Karate ku lug lahaa Weerarkii Jaamacadda Garissa lagu qaaday bishi iApril 2-dii ee sannadkii 22015-kii, oo ay ku geeriyoodeen 150-qof, waa sida ay hadalka u dhigeen.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media