Maraykanka oo sheegtay inay burburiyeen 20%  Diyaaradaha Dagaalka ee Syria.

Xoghayaha Difaaca ee Marayknka, Jim Mattis ayaa sheegay in Diyaaradahaasi oo ay ku jireen kuwo Diyaaradaha hawada ku siiya Shidaalka in lagu burburiyey Duqeyntii Jimcihii hore loo geystay  Saldhigga Ciiddanka Cirka Syria ee Shayraat ee Bartamaha dalkaasi.

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo uu Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka , Kolonel John Thomas sheegay in duqeyntaasi lagu burburiyey in ka badn 20 Diyaaradaha Dagaalka ee Syria.

©Radio Dalsan