Maraykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay 3 Dagaalame ku dileen Duqeyn ka dhacay Gobalka Bay..

War Qoraal oo uu soo saaray AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyntaasi maalintii Talaadada ee la soo dhaafay lala beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab oo doonayey inay weeraraan Ciiddamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFS oo ka hawlgala Deegaanadaasi, waa sida hadalak loo dhigay.

Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Afrika waxay kaloo sheegeen inay sii wadi doonaan Hawlgalladda ay ku duqeynayaan Fariisimadda Alshabaab ku leeyihiin gudaha Somalia, Gobalka iyo guud ahaan Caalamka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Bishii la soo dhafaay. Alshabaab waxay hawlgal ku dileen 12 ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo DFS ka taageera La-dagaalanka Alshabaab

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media