Maraykanka oo sheegay inay dileen 100 ka tirsan Shabaab iyo Al-Shabaab oo beeniyey

Waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka iyo Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay hal duqeyn ku dileen ugu yaraan 100 Dagaalyahano Alshabaab, kuwaasi oo ku sugnaa Saldhig ku yaalla duleedka Degmadda Diinsoor ee Gobalka Bay, waa sida hadalka loo dhigay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Maraykanka ee la shaqeeya DFS ay shalay xaqiijiyeen Duqeyntaasi la beegsadeen Saldhig ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaan 125 mayl dhanka Galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho, waa sida hadalka loo dhigay.

Bayaanka waxaa kaloo lagu xusay inuu weerarkaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ay Ciiddanka Maraykanka bishan ka geystaan Somalia.

Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxay saqdii dhexe ee xalay baahisay inay Ciiddanka Maraykanka iyo Komaandooska DFS fuliyeen weerarkaasi oo ka dhacay Deegaanka Buur Eelaay ee Gobalka Bay.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hawlgalladda ee Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu beeniyey shegashadda Maraykanka ee Weerarkaasi, isagoo ku tilmaamay inay Hadal Borobigaando ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media