Maraykanka oo sheegay in la wada dilay inta badan Ku-xigeenadii Hoggaamiyaha Daacish.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Marykanka, Rex Tillerson ayaa laga soo xigtay hadalkaasi mar uu ka hadlay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee 68-Waddan oo ka mid ah Isbahaysiga Maraykanka ee La-dagaalanka Kooxda Daacish.

Waxa uu xusay in Ku-xigeenadda Hoggaamiyaha Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi ee la dilay uu ka mid ahaa Abu Al-Ansaari, kaasi oo maalintii Sabtida lagu dilay duqeyn ka dhacday Degmadda Al-qalam ee Iraq, una dhow xuduudka Syria.

Mas’uulkaasi ayaa lagu tilmaamay inuu Ku-xigeenka Lbaad ee Abu Baqdaadi iyo Wasiirka Dagaalka ee Daacish.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media