Maraykanka oo sheegay in Alshabaab ku xooggan yihiin Dooxadda Webiga Jubba oo keliya.

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika, Jeneral David Rodriguez ayaa Suuxufiyiinta ugu sheegay Xarunta Dhexe ee Taliska “AFRICOM ku leeyihiin magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka, wuxuuna xusay iyadoo ay sii kordhayaan Cabsida Kooxaha Hubeysan ee Afrika ay qaadeen Qorshaha Shanta sanno ee  wax looga qabanayo Kooxaha Alshabaab, Boko Haram, Maleeshiyooyinka Daacish ee ku sugan dalka Libya iyo dalka Afrikadda Dhexe.

AFRICOMJeneral David Rodriguez waxa uu tilmaamay in muhiimadooda koowaad tahay sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab iyo sidii ay Hawlgalka AMISOM u sugi lahaayeen ammaanka Deegaannadda ay Dowladda Federalka maamulaan.

Waxa uu sheegay inuu qorshaha Hawlgalka Maraykanka ka bilowday sidii loo naafeyn lahaa Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray in ay Maraykanka taageero, tababaro iyo qalab siiyeen Hawlgalka AMISOM.

“Alshabaab waa laga riixay inta badan Deegaanadda ay Dadka ku badan yihiin, waxayna Awoodooda ku harsan tahay Dooxadda Webiga Jubba oo keliya” ayuu yiri Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika, Jeneral David Rodriguez, oo dhinaca kale sheegay inay inay Alshabaab weli Khatar yihiin, gaar ahaan weeraradda ay ka geysan karaaan dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia, gaar ahaan Kenya, Ethiopia iyo Uganda.

©Radio Dalsan           

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor