Waaxda Ammaanka Gudaha ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay inay waqtiga u kordhiyeen dadka Soomaalida ee sida sharci-darradda ugu sugan dalkaasi.
Madaxa Hay’adda Ammaanka Gudaha (The Department of Homeland Security), Jeh Johnson ayaa sheegtay in muddo 18 bilood ah loogu kordhiyey Joogitaanka dadkaasi Soomaalida ee aan weli helin Sharciga Deganaanshaha Maraykanka.
Sharciga cusub ee xilli-kordhinta Daryeelka KMG ee Temporary Protected Status (TPS) waxa uu awood u siinayaa Soomaalida aan haysanin Sharciga inay heli karaan Fasax Shaqo oo ay ku xoogsan karaan.
Soomaalida ayaa loogu baaqay inay ka faa’ideystaan Fursaddaasi, isla markaana isku diiwaan geliyaan si loo siiyo Daryeelka KMG ee TPS, muddada u dhexeyso bisha June 1-dii ilaa bisha July 31-da, wuxuuna xilliga cusub ee Joogitaanka KMG dhici doonaa bisha March 17-da ee sannadka 2017-ka.
Inta badan Soomaalida Sharci la’aanta ugu nool dalka Maraykanka waxa la sheegaa in Sharci KMG la siiyey sannadkii 2012-kii.
Dhinaca kale, Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka ee (The Department of Homeland Security), ayaa sheegtay in Sharciga KMG ee TPS la siiyo dadka shisheeyaha ee aan ku laaban karin dalalkooda hooyo oo ay ka socdaan Colaadaha Hubeysan ama ay ka dhacaan Masiibooyinka Dabiiciga ama ay xaalladdo aan caadi ahayn ka jiraan dalalkooda.
© Warqabadka Dalsan Radio