Maraykanka oo shaaciyey khasaaraha ay u geysteen dadka rayidka, marka laga reebo dadka Soomaalida

Xafiiska Difaaca ee dalka Maraykanka ayaa soo saaray Warbixin si cad ah loogu muujiyey tirada dadka rayidka ee lagu dilay Duqeymaha ay Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ka fuliyeen dalal ku yaalla Caalamka.

Warbixinta sannadlaha ee Xafiiska The Pentagon ayaa lagu sheegay in 499 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo ka dhacay dalalka Iraq, Syria, Afganistan iyo Yeman.

Warbixinta laguma soo bandhigin tirada dadka rayidka ee ku dhaawacmay Duqeymaha ay Maraykanka ka geystaan dalka Somalia, inkastoo ay Hay’addaha aan Dowliga ahayn ee NGO iyo Saraakiisha Gudaha sheegaan inay dad rayid ah ku geeriyoodeen Duqeymaha ay Maraykanka ka fuliyeen gudaha Somalai.

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay inaysan haynin warar Loo-qaateeno ah oo dadka Rayidka ka so ogaaray duqeymihii ay Milliteriga Maraykanak ka fuliyeen Somalia sannadkii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, bishi iAugust ee sannadkii hore, 10 qof oo rayid ah oo ay 3 carruur ahayd ayaa lagu dilay Hawlgal ay Ciiddamo Somali iyo kuwo Maraykan ah ka geysteen Beer ku taalla Koonfurta Somalia.

Xilligaasi, Milliteriga Mraaykanka waxay xaqiijiyeen inay taageero ka geysteen Hawlgalkaasi, isla markaana ay baaritaan ku samaynayaan Eedeymahaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media