Maraykanka oo shaaciyay Tirada Ciiddankooda jooga Somalia iyo xiriirka kala dhaxeeya DFS

Afhayeenadda Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM,SAMANTHA RELHO oo Wareysi Khaas ah siisay Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa magaalladda London ayaa sheegtay in Ciiddanka Maraykanka ee ka hawlgala gudaha Somalia, ay ku jiraan in ka badan 500 oo Askar iyo Rayid ah.

Afhayeenadda oo la wareystay iyadoo ku sugan Xarunta Dhexe ee AFRICOM ku leeyihiin magaalladda STUTTGART ee dalka Jarmalka waxay tilmaamtay in Joogitaanka Ciiddanka Maraykanka ee Somalia ku timid Casuumaad iyo Ansixin ka timid Madaxda Sare ee DFS, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay kaloo xaqiijisay in ay DFS la socodsiiyaan Duqeyn kasta oo ay Ciiddanka Maraykanka ku qaadaan Fariisimadda Alshabaab. Waa sida ay ku sheegtay Wareysiga ay siisay Wargeyska Asharqal Awsad ee Sacuudiga laga leeyahay, balse lagu daabaco magaalladda London.

Mar wax laga weydiiyey Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka u qorsheysan waxay sheegtay ineysan sababo dhinaca Hawlgalladda Ammaanka uga hadli Karin Hawlgaladda Mustaqbalka ay ka fulin doonaan gudaha Somalia, balse waxay carrabka ku dhufatay inaysan iyadu la yaabi doonin  Hawlgallo kasta oo suurtogal tahay inay dhacaan Mustaqbalka soo socda.

Afhayeenadda Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM,SAMANTHA RELHO waxay kaloo sheegtay inay kordhin doonaan Hawlgalladda ay ka wadaan gudaha Somalia, isla markaana la yaeryn doono Khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Duqeymaha ay ka fuliyaan Somalia, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay kaloo sheegtay inay Dowladda Maraykanka ka go’an tahay inay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS ka taageeraan mas’uuliyadooda si ay ula wareegaan Ammaanka Guud ee Somalia.

Dhinaca kale, Afhayeenadda waxaa wax laga weydiiyey Maleeshiyadda Daacish-ta ku sugan Puntland, waxayna sheegtay inay Kooxdaasi is-ballaarinayeen tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2015-kii iyo Is-qarxintii ugu horreysay ee ay bishii May ka geysteen magaalladdda Bosaaso.

Afhayeenadda waxay tirada Maleeshiyadda Daacish-ta ku sugan gudaha Somalia ku qiyaastay inay gaarayaan 250 Dagaalyahan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media