Maraykanka oo qorsheynaya duqeymo iyo Hay’adaha Samafalka oo ka digay in la duqeeyo goobaha ay ka hawlgalaan ee Somalia.

Saraakiisha Milliteriga Maraykanka waxay isbuucan ka codsadeen Kooxaha amafalka ka shaqeeya Somalia inay soo gudbiyaan Khariidad ahaan qaabka isku-xirka Hay’addaha Samafalka e eka hawlgla Somalia.

Wargeyska The Intercept ee ka soo baxa Marayknka ayaa qoray inay heleen Dukumentiga ka so obaxay Maraykanka, kaasi oo noqon kara Tallaabo ay Milliteriga Maraykanka ku doonayaan Hawlgal Milliteri oo ka dhan ah Xarakadda Alshabaab.

Ogeysiinta NGO-yadda aya yimid hal bil kadib, markii uu Madxweyne Trump sheegay inay Somalia ka samaynayaan Deegaano Dagaal, isla markaana uu Milliteriga siiyey Awood dheeraad ah oo ay duqeymo kaga geysan karaan Somalia.

Qoraalka oo uu qoreay Xafiiska Maraykanka ee Kaalmadda USAID ugu qaabilsan Taagerridaa Masiibooyinka Ajaabiibta ayaa lagu sheegay haddii loo baahan yahay in la kordhiyo Hawlgalladda Ammaanka ee Somalia in loo baahan yahay in Warbixin laga siiyo  arrimaha ku saabsan goobaha ay ka hawlgaaan gudaha Somalia.

Dukumentiga oo ku taariikheysnaa bishan April 24-da ayaa waxa lagu muujiyey qaababka ay Kooxaha Gargaarka u doonayaan in lala wadaago xiriiriirinta Xafiisyadda, Xerooyinka Qaxootiga iyo goobaha kale.

Dukumentiga waxaa lagu codsaday in Qorshe-dejiyaayaasha Maraykanka lala socodsiiyo goobaha Samafalka iyo Shaqaalaha Horumarinta , waxaase laga digay inaan la damaanad qaadi karin ammaanka Shaqaalaha, Gadiidka iyo Dhsismayaasha Samafalka.

Afhayeenadda Pentagon-ka, Major Audricia Harris ayaa sheegTay inay NGO-yadda la xiriiri doonaan marka Hawlgalo Milliteri laga fulinayo Somalia.

Milliterig Maraykanka waxay sheegeen tan iyo sannadkii 2001-dii inay Somalia ka geysteen ugu yaraan  41 weerar, oo kAlA bar ay dhaceen sannadihii 2015-lii iyo 2016-kii.

Saraakiisha Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon waxay u sheegeen Wargeyska The Intercept inaysan wax duqeyn ah ka geysanin Somalia sannadkan 2017-ka, inkastoo Guddiga Baarayaasha Suxufiyiinta so oweriyeen inuu hal weerar ka dhacay Somalia sannadkan.

Xigasho: The Intercept

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media