Maraykanka oo Mashaariicda Tamarta Cagaaran kula dagaalami doona Alshabaabka Somalia

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee wnd.com waxa uu Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama danaynayaan sidii deganaansho buuxda loogu soo celin lahaa Somalia oo ay saldhig ku leeyihiin Dagaalyahannadda Alshabaab oo bishii hore weerar ka geystay Jaamacadda Garissa ee W/bari Kenya.

Dowladda Maraykanka ayaa dejisay qorshe lagu dhiirigelinayo Maalgelinta Somalia, iyadoo dib loo cusbooneysiinayo Horumarinta Tamarta.

Dowladda Maraykanka waxay  kireysanayaan Qandaraaslayaal kala taliya Dowladda Federalka Somalia sidii loo dhisi lahaa Hay’addo Dhaqaale “Economic Foundation”.

Shabakadda Wararka ee WND oo aragtay Dukuemntiga Qorshaha Maraykanka ee Somalia ayaa daabacday in Mashruuca Cagaaran  loogu talagalay in lagu horumariyo Beeraha iyo Kalluumeysiga Somalia iyo in la abuuro Mashaariic ay ka faa’ideysan karaa Ganacsatadda heerka hoose iyo kuwa heerka dhexe.

Haweeneyda Afhayeenka u ah Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Marie Harf ayaa sheegtay in Mashruucyadda shaqo abuurka ee Somalia gacan ka geysan karaan sidii xididada loogu siibi lahaa Alshabaab, waa sida ay hadalka u tiri.

Mashruucaasi oo ay fulin doonto Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Kaalmooyinka ee US AID ayaa waxa uu hadafkiisu yahay xaqiijinta wax-soo-saarka, shaqaalaynta iyo Dakhliga ee dadka Soomaaliyeed.

Xigasho:- www.wnd.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor