Maraykanka oo Maraakiib wax duqeeya  u diray meel ku dhow Xeebaha Waqooyiga Kuurya.

Sarkaal Maraykan ayaa u sheegay REUTES in Tallaabadaasi looga dan leeyahay in Waqooyiga Kuurya loogu muujiyo cududa Milliteri ee Maraykanka, iyadoo uu sii kordhayo walaaca laga  qabo Horumarinta Barnaamijka Gantaaladda ee dalkaasi.

Maraakiibta Dagaalka ee Maraykan ayaa ka ambabaxay Xeebaha dalka Singapore, iyagoo u jiheystay Gacanka Kuurya.

Bilowgii bishan, Madaxweyne Donald Trump waxa uu ku goodiyey inay Tallaabo adag ka qaadi doonaa dalka Waqooyiga Kuurya, balse ma shacinin nooca Tallaabadda ay ka qaadi doonaan

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media