Maraykanka oo mar kale u xaqiijiyey Kenya inay ka taageerayaan Dagaalka Alshabaab.

Safiirka Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Robert Godec ayaa sheegay inuu dalkiisa garab taagan yahay Hawlgalka ka dhanka ah Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ,Xagjirnimadda, Xornimadda iyo Dimuqraadiyadda  waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inay Shacabka Maraykanka la qeybsanayaan dadka Reer Kenya murugadda Askartii lagu dilay Somalia, oo uu tilmaamay inay yihiin Geesiyayaal ku hawlanaa soo-celinta Nabadda Somalia, Xuquuqda Soomaalida, Kenyanka iyo dhamaan dadka ku nool Caalamka.

Safiirka Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Robert Godec waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in laga guuleysan doono waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda.

Hadalkiisa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Madaxda Kenya iyo Xisbiyadda Mucaaradka si wadajir ah Jimcihii u baroor-diiqeen Askartii Kenyanka ee bishan 15-dii lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Dowladda Maraykanka waxay ka mid tahay Dowladaha taageeradda ugu badan siiya Milliteriga Kenya iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia ee AMISOM.


©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor