Maraykanka oo lagu xukumay Haweeney Soomaali lagu soo oogay inay taageertay Alshabaab

Amina Mohamoud Essa oo 43-jir ah ayaa shalay lagu xukumay Xabsi 5 sanno ah, kadib, markii lagu soo oogay inay Taageero Dhaqaale u xawishay Xarakadda Alshabaab.

Haweeneydaasi oo deggan Gobalka Minnesota ayaa la sheegay in lagu xukumay Xukun Debecsan, kadib, markii ay la shaqeysay Baarayaasha, iyadoo muteysan lahayd xabsi 15-sanno ah.

Iskaashigeeda ayaa la sheegay inay ku jireen ku-dhawaad 60-Kulan iyo Wicitaan Telefoon oo ay la yeelatay Maamulayaasha.

Waxay kaloo markhaati ka noqotay xubnaha Shabakadda Haweenka ee ay ka mid ahayd, kuwaasi oo ururiyey 4,000 oo Dollar oo ay ku taageereen Alshabaab, waa sida lagu xusay Qoraalka ka soo baxay Baarayaasha FBI-da Maraykanka.

Amina Mohamoud Esse waxay sannadkii 2014-kii qiratay inay  Alshabaab  ku taageer, waxayna ku markhaati furtay  Haween kale oo ku lug lahaa Lacagaha loo diray Alshabaab, kuwaasi oo kala ah Muna Osman Jama, oo lagu xukumay Xabsi 12-sanno iyo  Hinda Osman Dhirane, 46, oo lagu xukumay  11-sanno.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Charles Kovay ayaa sheegay inay Amina Mohamoud Esse tahay qofkii 21-aad ee ku nool Gopbalka Minnesota oo xukun ku muteystay Kiisaskaasi  5-tii sanno ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media