Maraykanka oo lagu xiray nin Somali oo dagaal ka kiciyey Masid lagu qeybinayey Afur

Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabaad C/raxmaan Maxamed ayaa la sheegay inay Boliska xireen, kadib, markii lagu soo oogay inuu kursi ku tuuray nin ka mid ah Hawlwadeennadda Masjidka Abuubakar Sadiiq oo cunto u qeybinayey dad ku sugnaa Masjidka.

Boliska waxay sheegeen inuu Eedeysanaha isku dayey inuu toorey la dhaco mid ka mid ah Shaqaalaha ka adeegsayey qeybinta cuntadda afurka.

Eedeysanaha waxa uu markii uu dhibkaasi geystay ka baxsaday Masjidka, wax yar ka hor intaysan Boliska imaanin Masjidka.

Habeenkii Labaad ayey Saraakiisha Boliska yimaadeen agagaarka Masjidka, waxayna Eedeysanaha jeebkiisa dambe ka heleen dhowr mindiyaha nooca isku laabma.

Eedeysanaha oo xabsiga la dhigay ayaa waxa lagu soo oogi doonaa dacwadda heerka labaad ee isku-day weerar iyo inuu dabeecad xun kula dhaqmay dadkii Masjidka ku qeybinayey Afurka.

Eedeysanaha waxa uu ka mid ahaa dadkii safka ugu jiray in la siiyo cuntadda afurka ee Masjidka laga bixinayo Bishan Ramadaan.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor