Maraykanka oo ku tuhunsan Alshabaab qarixii Diyaaradda Daallo Airlines iyo in la adeegsaday Maadada TNT”.

Ilo ka tirsan Dowladda Maraykanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inay Baarayaasha ku tuhunsan yihiin inay Alshabaab ku lug leeyihiin waxa u ekaa Bamka ee sababay inay  Diyaaradii Daallo Airlines si degdeg ah u so ocaga dhigato Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Muqdisho

Labo Ilo-wareed oo ku dhow Dowladda Maraykanka ayaa laga soo xigtay inay  sheegeen in Tijaabadda hore ee laga qaaday gudaha Diyaaradda Daallo Airlines lagu ogaaday inay suurtogal tahay in Diyaaradda la saaray maadada laga farsameeyo waxyaabaha qarxa ee TNT.

Laakiin, Sarkaal kale ayaa sheegay in baaritaanadda noocaasi noqon karaan kuwa sax ah ama kuwo been ah.

Hadalka ka soo baxay Ilaha ku dhowdhow Dowladda Maraykanka ayaa soo baxay, hal maalin kadib, markii uu Duuliyihii Diyaaradda Daallo Airlines uu sheegay inuu u malaynayo inuu qarax ahaa waxa ka dhex dhacay Diyaaradda.

Duuliyaha oo u dhashay dalka Serbia ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Maalinlaha ee Daily Blic ee ka soo baxa caasimadda dalka Serbia ee Belgrade, wuxuuna xusay inay ahayd dhacdadii ugu horreysay ee uu la kulmo muddadii dheereed ee uu Duuliyaha ahaa.

Duuliyaha oo lagu magacaabo Vladimir Vodpopivec ayaa sheegay inuu filayo inuu qaraxa ahaa wixii shalay ka dhacay gudaha Diyaaradda uu Duuliyaha ka ahaa ee Daallo Airlines, ee  Flight Number-keedu ahaa D3159.

“Nasiib wanaag, Halka laga kontoroolo Duullimaadka ma burburin, waxaana awooday inaan soo laabto, kuna dego Garoonka” ayuu yiri Duuliye Vladamir Vodopivec, oo intaasi ku daray inay Ilaahay mahadiisa tahay inay ku dhamaatay si wanaagsan.

Duuliyaha oo 64-jir ah waxa uu Wareysigiisa ku xusay inuusan wax burbur ah soo gaarin halka laga hago Duullimaadka Diyaaradda.

74-kii qof ee la socday Diyaaradaasi wey bad-qabaan, inkastoo la sheegay in maydka mid ka mid ah Rakaabka laga helay Degmadda Balcad, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay Diyaaradda, markii uu qaraxu ka dhex dhacay.

Dhinaca kale, Alshabaab weli kama hadlin Eedeymaha Maraykanka ku sheegeen inay Alshabaab ku tuhunsan yihiin Qarixii Daallo Airlines.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan Warar Madax-bannaan oo si kama dambays ah looga soo saaray Baaritaanka Qaraxa Diyaaradaasi.

 

SAWIRO CUSUB DAALLO AIRLINES1 SAWIRO CUSUB DAALLO AIRLINES02 SAWIRO CUSUB DAALLO AIRLINES sawirka daallo airlines005 SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO1 SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO 03 SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO 002

Xigasho: REUTERS.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor