Maraykanka oo ku baaqay in la diyaariyo Ciiddamo Qaran, ka hor bixitaanka Ciiddanka AMISOM ee Soomaaliya

General Thomas Waldhauser oo madaxa ka ah Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa ku booriyey Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaaji inuu hubaal ka dhigo diyaarinta Ciiddanka qaranka Somalia, si ay dhabaha ugu xaarto inay Ciiddanka AMISOM ka wada baxaan gudaha Somalia.

General Thomas Waldhauser  waxa uu hadalkaasi ka sheegay Xarunta Taliska AFRICOM oo ku yaalla magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka, wuxuuna xusay in Madaxweyne Farmaajo yahay Geesi, baraarugsan oo doonaya in latababaro, lana qalabeeyo Ciiddanka Qaranka, waa sida uu hadalka u yiri.

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM)  waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka AMISOM ka bixi karaan Somalia marka Ciiddanka Qaranka Somalia aad loo qalabeeyo, isla markaana yeeshaan Awood ku filan oo ay kula dagaalami karaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Ciiddanka  AMISOM weligooda sii joogi doonin Somalia, logana rajeynayo inay Ciiddanka Qaranka Somalia la wareegaan masuuliyadaasi.

“Waxaa loo bahaan yahay qaab Xilli Kala-guur ah,ma awoodi karaan Dowladaha ciiddanka u soo diray Somalia inay weligooda ku sii nagaadaan Somalia” ayuu yiri Sarkaalkaasi oo  dhinaca kale hoosta ka xatiiqay inaan la gaarin xilligii ay Ciiddanka Kenya ka bixi lahaayeen Somalia.

Madaxweyne Kenya, Uhuru Kenyatta ahna Taliyaha CGuud ee Ciiddanka dalkaasi waxa uu doonayaa inay Ciiddankiisa sii joogaan Somalia, halka Hoggaamiyaha Mucaaradka. Raila Odinga doonayo in Ciiddankaasi laga soo saaro Somalia, si loogu xoojiyo ilaalinta Xuduudka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media