Maraykanka oo kordhinayo Hawlgalladda Khaaska ee ay ka fuliya dalal ay Somalia ka mid tahay.

Maamulka Madaxweynaha Maraykanka ayaa la sheegay inay sii kordhinayaan Ciiddamadda Khaaska ee ka qeyb gala Hawlgalladda loogu yeero Dagaalladda Yaryar ee ka socda Bariga Dhexe iyo Afrika ee lagula jiro Maleeshiyooyinka kala taabacsan Kooxaha Daacish iyo Alqaacida.

Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka waxay diirada saareen inay Daacish iyo Alqaacida kula dagaalamaan dalalka Syria iyo Iraq, waxay kaloo Hawlgalo looga hortagayo inay Daacish iyo Alqaacida sii faafaan kala fuliyaan dalal ay ka mid yihiin Somalia, Yemen iyo Libya.

Ilaa 50 Askari oo Maraykan ah ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin goobo qarsoon oo ku yaalla Koonfurta Somalia, waxayna Ciiddankaasi La-talin iyo Kaalmeyn siiyaan Ciiddamadda Dowladda Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab oo Isbahaysi la leh Ururka Alqaacida.

Toddobaadkan,  Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka waxay Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM taageero ka siiyeen Hawlgal ay qorsheynayaan inay ku qaadaan Baraha Kontorooladda ee sharci-darradda ah.

Ciiddanka Maraykanka waxay kaloo ka qeyb galeen Hawlgalo ka dhan ah Alshabaab, oo isugu jiray hawlgal Ciiddanka dhulka ah iyo Duqeymaha loo adeegsaday Droneska iyo Diyaaradaha Dagaalka.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka (The Pentagon) waxaa lagu sheegay inay qaadeen Duqeyn ballaran oo ay la beegsadeen Xero Tababar oo ay Alshaabab ku leeyihiin duleedka Degmadda Buulo-burde.

Maraykanka waxay sheegeen in Duqeymahaasi lagu dilay 140 dagaalyahan, inkastoo Afhayeenka Hawlgalladda ee Alshabaab, C/casiis Abu Muscab beeniyey sheegashaddaasi, kuna tilmaamay tiro laga badbadiyey.

©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor