Maraykanka oo Kenya ka iibinayo Helikoptaro ay kula dagaalamaan Alshabaab.

Dowladda Kenya ayaa qorsheynayso inay Maraykanka ka iibsadaan 5 Diyaaradaha Helicopters ee uu noocoodu yahay Huey II Standard

Ma cadda kharajka lagu bixinayo Diyaaradahaasi, inkastoo ilo xog-ogaal sheegeen in halkii Helikoptar qiimihiisu dhaan yahay 6.4 million oo Dollar.

Diyaaradahaasi oo ay 12 Askari raaci karaan waxaa loo adeegsadan karaa in Ciiddanka lagu daabulo iyo in loo adeegsado in lagu weeraro goobaha loo cayimo.

Tallaabadan ay Kenya ku iibsanayaan Diyaarado ay kula dagaalamaan Alshabaab ayaa timid dhowr isbuuc  kadib, markii ay Maraykanka siiyeen Dowladda  Kenya lacag dhan Hal Billion oo Shillinka Kenya oo loogu talagalay in loo adeegsado La-dagaalanka Alshabaab.

Huey II Standard 00

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor