Maraykanka oo kaalmadii Milliteri ka jaray Burundi iyo saamayn ay ku yeelatay Hawlgalka AMISOM.

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay joojiyeen Kaalmadii Milliteri ee ay siin jireen Dowladda Burundi, iyadoo uuu dhawaan dalkaasi ka dhacay Afgembi dhicisoobay.

Shabakadda Wararka ee Idaacadda Uganda ee  ugandaradionetwork.com  oo loo soo gaabiyo(URN) ayaa qortay in Tallabadda ay Dowladda Maraykanka ku hakisay Taageeradaasi  saamayn ku yeelatay Hawlihii AMISOM.

Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa hakiyey Ciiddan cusub oo ka socda dalka Burundi oo ku soo fool lahaa Somalia si ay ugu biiraan Hawlgalka AMISOM.

Sababaha ay Dowladda Maraykanka u jareen Taageeradii Milliteri ee ay siin jireen Dowladda Burundi inay tahay sidii la isugu raaci lahaa Tubta Shaqo ee ay ku shaqeyn doonaan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM,oo tiradoodu dhan tahay 5,432 Askar ayaa iyagana ka war-dhowrayaa haddii ay sii wadayaan Hawlgalkooda iyo haddii kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor