Maraykanka oo ka walaacsan inay Dagaalamaayasha Daacish ka hawlgalaan Somalia.

Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maanta qoray in Kooxda Daacish oo haatan ka talisa meel 2,200-mayl u jirta Somalia  ku  adkaan doonto inay Xarakadda Alshabaab la galaan dagaal dhulka ah..

Dagaalamayaasha Daacish ee looga tirada badan Somalia waxay isku sheegeen inay yihiin Imaarad Yar “Little Emirate” oo ka dhisaan Somalia, waxayna dhegaha ka fureysteen hadalkii ay Madaxda Alshabaab ku sheegeen  inay surta ka jari doonaan xubnaha ku biira Daacish.

Bishii October ee la soo dhaafay, Sheekh C/qaadir Muumin oo ka mid ahaa Hoggaanka Sare ee Alshabaab ayaa sheegay inuu taageersan yahay, kuna biiray Kooxda Daacish.

Sheekh C/qaadir oo ay wehliyaan tiro dagaalyahano ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Maamul-gobaleedka Puntland, waxaana Dagaalyahanadiisa ka mid ah kuwo shisheeye oo ka soo goostay Alshabaab.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Kontoroolka Hubka iyo Ammaanka Caalamka, Rose Gottemoller ayaa sheegtay inay Kooxda Daacish qorsheynayso sidii ay Dagaalyahanadooda deegaan uga heli lahaayeen gudaha Somalia.

Rose Gottemoller ayaa hadalkaasi ka sheegtay Kulan bishan ka dhacay magaalladda Johannesburg ee dalka Koonfurta Afrika,

“Daacish waxay indhaha ku hayaan sidii ay  Somalia meel  uga heli lahaayeen, kadibna  waxay ku goodin doonaan inay u dhaqaaqi doonaan gudaha Kenya” ayey tiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Kontoroolka Hubka iyo Ammaanka Caalamka.

Waxay kaloo sheegtay inay Dowladda Maraykanka si dhow ula socon doonaan Qorshaha Daacish ay kaga hawlgayaan Somalia iyo inuusan Kharajkii lagu bixiyey Somalia u noqonin mid lagu khasaaray.

Dowladda Maraykanka waxay boqolaal malyan oo Dollar horey ugu kharaj gareeyeen Dowladda Federalka Somalia, Ammaanka Mandiqadda iyo Hawlgalka Milliteri ee AMISOM ee ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.

© Radio Dalsan