Maraykanka oo ka horyimid derbiga ay Kenya ka dhisayso xuduudka Somalia

Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambaasador Robert Godec oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa sheegay inay sii wadayaan  taageeradda ay Dowladda Kenya codsato si loo wiiqo weeraradda Dagaalamayaasha Alshabaab Somalia.

“Cabsida Alshabaab ee Kenya waa mid xaqiiq ah, waxay Dowladayda sii wadaysaa taageeradda Dowladda Kenya laga siinayo dagaalka Alshabaab” ayuu yiri Ambaasador Robert Godec.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay muhiim ahayd in Ciiddanka Kenya loo daad-gureeyo gudaha dalka Somalia, si ay gacan uga geystaan hawlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Alshabaab, isla markaana lagu doonayo in lagu so oceliyo Nabadda Somalia.

Danjiraha Maraykanka ee u jooga Kenya, waxa uu ku taliyey  in loo baahan yahay inay Ciiddanka Ammaanka Kenya helaan wadiiqooyin kale oo looga hortegi karo weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Dhinaca kale, Ambaasador Robert Godec waxa uu Wareysigiisa ku soo hadal qaaday qorshaha Dowladda Kenya ee ay derbiga kaga dhisi doonaan xuduudka dalka Somalia, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay qorshahaasi.

Waxa uu tilmaamay in qaabka ugu wanaagsan ee looga hortegayo cabsida Alshabaab tahay inla kordhiyo ilaaladda laga hayo xuduudka.

“Kenya waa inay kordhiyaan Ilaaladda Xuduudka Somalia, halkii ay ka door bidi lahaayeen dhismaha derbiga oo aad qaali u ah” ayuu yiri Danjiraha Maraykanka u jooga Kenya.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor