Maraykanka oo ka digay Weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Jim Mattis ayaa sheegay inay waajib tahay inay Maraakiibta Ganacsiga dib u adkeeyaan Difaacooda marka ay marayaan Badda Somalia, wuxuuna ka digay inay Burcad-baddeed dib ugu soo laabteen Afduubkii ay ka geysan jireen Badda Somalia.

Jim Mattis ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Mariniska Maraykanka ee ku sugan Xeradda Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti, wuxuuna tilmaamay inay Burcad-baddeeda so olaba kacleeyeen 3 sanno oo ay Deganaansho ka jirta Badda Somalia.

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Jim Mattis waxa uu ku nuuxnuuxsaday in weeraradda ay Burcad-baddeeda a8-dii isbuuc ee la soo dhaafay ku qaadeen ugu yaraan 6 Markab Ganacsi muujinayso in loo baahan yahay inay Maraakiibta Ganacsiga muujiyaan Feejignaan Sare marka ay marayaan Badda Somalia.

Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Saldhigga ay ku leeyihiin Jabuuti waxay kaalin ka qaataan sidii ay ula socon lahaayeen Dhaqdhaqaaqyadda Burcad-baddeeda ee ay ku weeraraan Maraakiibta ku socdaasha Badda Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media