Maraykanka oo ka digay inay Alshabaab weeraraan Muwaadiniintooda ku sugan Burundi

Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa sii wada inay Muwaadiniintooda uga digaan Khatarta socdaal ay ku tegaan dalka Burundi iyo inay Alshabaab kala kulmaan weeraro.

Qoraalka ayaa lagu muujiyey inay suurtogal tahay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro la beegsadaan Muwaadiniinta iyo Danaha Maraykanka ku leeyahay dalka Burundi, iyadoo xilligan ay caasimadda dalka Burundi ee Bujunbura caadi ka noqotay inay dhacaan Is-rasaasayn iyo qaraxyo, inkastoo aan ialaa iyo haatan si toos ah loola beegsanin dadka Shisheeyaha

Dhinaca kale, Muwaadiniinta Maraykanka ayaa lagula taliyey inaysan booqanin dalkaasi ama ay taxadir muujiyaan haddii ay tagaan dalkaasi, oo ay dhegeystaan Idaacadaha Burundi, iyo inay Internetka kala socdaan Wararka Siyaasadeed iyo Dibadbaxyadda ka dhacayo dalkaasi.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka waxay ugu dambeyntii Muwaadiniintooda ugu baaqeen inaysan u bixin duleedka Bunjunbuura marka uu gabalku dhacdo, si aysan ula kulmin Khatar Nololeed.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor