Maraykanka oo ka baaraan-degayo qaabka ay noqon karto Doorashooyinka ka dhici doona Somalia

Iyadoo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry shalay booqasho mar-la-arag ah ku yimid magaalladda Muqdisho, ayaa waxaa soo baxayo inay Dowladda Maraykanka shaki ka qabto qabsoomida Doorashadda la filayo in sannadka soo socda ka dhacaan Somalia.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay inay og yihiin inaysan Doorashooyinkaasi dhici doonin.

“Kuma socoto inay Doorashadaasi noqoto mid ku salaysan Hal qof iyo hal cod (One man and one Vote)” ayuu yiri Sarkaalkaasi u hadlay Maraykanka.
Dhinaca kale, Sarkaalka ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka waxa uu carrabka ku dhuftay inay haatan indhaha ku hayaan dhowr xulasho oo loo qaban karo Doorashooyinka, isla markaana ka duwan qaababkii hore ee lagu dooran jirey Hoggaamiyayaasha Soomaalida.

Hadalka Dowladda Maraykanka ayaa muujinaya inay doonayaan Isbedel lagu sameeyo qaabka wax loo dooran jirey, si meesha looga saaro hab-dhaqanka gurracan ee ay u dhaceen Doorashooyinkii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa xilkaasi loo doortay kadib, markii ay Xildhibaanadda Barlamaanka u codeeyeen .

Qabashadda Doorashooyinka lagu dooranayo Madaxweyne iyo Barlamaan cusub ayaa waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha Hiigsiga ee sannadka 2016-ka, kaasi oo  ay Beesha Caalamka rajo weyn ka qabtay inay Somalia u horseedi doonto Nidaam Federal, Dimuqraadiyad iyo in la qabto Doorasho ku salaysan hal qof iyo hal cod.vote

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor