Maraykanka oo isaga baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM iyo Eedeyn uu u jeediyey.

Danjiraha Maraykanak u joogta QM, Nikki Haley ayaa ku dhawaaqay inay isaga baxeen Xubinnimadda Golahaasi, oo ay ku eedeysay inay had iyo jeer ka hor jeestaan Danaha Yuhuudda, waa sida ay hadalka u dhigtay, iyadoo iska indha tirtay Tacadiyadda ay Askarta Yuhuudda ku hayaan Dadka Reer Falastiin.

Waxay kaloo sheegtay inay Golahaasi xubno ka yihiin Dowlado aan dhowrin Xuquuda Aadanaha, waxayna si gaar ah carrabka ugu dhufatay dalalka Shiinaha, Kuuba, Venezuela iyo Kongada Dimuqraadiga.

 

Dhinaca kale, Madaxa Golaha Xuquuqda Aadanaha Go’aanka Maraykanka kaga baxeen Golahaasi, iyadoo Ururka Midowga Europe sheegeen inay Tallaabadaasi hoos u dhigi doonto doorkii Mraaykanka ee u ololeynta Dimuqraadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson waxa uu Go’aanka Maraykanka ku tilmaamay go’aan Niyad-jab leh.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media