Maraykanka oo Hangar Diyaaradeed u dhisayo Helikoptaro loogu tala galay Hawlgalka AMISOM

Ciiddanka dalka Maraykanka ayaa qorsheynayo inay Hangar Diyaaradeed ka dhisan Degmadda SOROTI ee dalka Uganda, oo Hoy u noqonaya  Helikoptaro ay Maraykanka siiyeen Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM

5 Diyaaradaha Helikoptarka ee noocoodu yahay 1H Huey Helicopters ayey Dowladda Maraykanka siisay Uganda sannadkii hore, si loogu adeegsado Hawlgalka ay Ciiddanka AMISOM kula dagaalamayeen Xarakadda Alshabaab tan iyo sannadkii 2007-dii.

Afhayeenka Hawlgalka Maraykanka u jooga magaalladda Kampala, Phil Dimon ayaa u sheegay Wargeyska Malainlaha ee The Monitor in Hangarkaasi laga dhisayo Degmadda SOROTI in loogu talagalay in Hoy looga dhigo Helikopteradaasi ay Dowladda Maraykanka ku deeqday sannadkii hore.

Diyaaradahaasi oo lagu qiimeeyey  80 million oo Dollar waxaa si toos ah loogu taageeray Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF iyo Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Dowladda Uganda waxay u xusul-duubaysaa sidi iay QM uga heli lahaayeen Kharajka 3 Helikopter oo ku soo jeeday Somalia, kuwaasi oo Buuraha Kenya ka burburay sannadkii 2012-kii

QM ayaa weli bixinin Kharajka Diyaaradahaasi oo  lagu qiimeeyey lacag dhan 10-million oo Dollar.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay tiradooda gaarayaan 6,000 oo Askari, waana dalka ugu ciiddanka badan dalalka kale ee qeybta ka ah AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media