Maraykanka Oo Gaadiid Dagaal ku Wareejiyey Ciiddanka Uganda Ee Qeybta Ka Ah Hawlgalka AMISOM

Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa la sheegay inay Hawlgalka AMISOM ku soo xoojiyeen ku-dhawaad 20 Gaadiidka Dagaalka iyo 2 Kontaynarada wax lagu kaydsado.

Ku-xigeenka Taliska Guud ee Ciiddanka Isku-dhafka Geeska Afrika u jooga Somalia, ahna Agaasimaha Unugga Xiriirinta ee ka hawlgala Muqdisho, Jeneraal Miguel A. Castellanos ayaa la sheegay inuu Gaadiidkaasi ku wareejiyey Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Jeneraal Kayanja Muhanga.

Sarkaalka Maraykanka waxa uu sheegay inay Ciiddanka Uganda yihiin wada-shaqeyn la leh Maraykanka iyo AMISOM, taasina ay keentay in Awood kordhin loo siiyo Gaadiidkaasi si ay ugu adeegsadaan La-dagaalanka Alshabaab iyo kooxaha kale ee qalalaasaha ka wada gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa uu sheegay inay deeqdaasi xoojinayso Awoodda Hawlgalladda Ciiddankiisa oo iyagu 40% lahaa qalabka lama huraanka u ah Hawlgalladda.

Si kastaba ha ahaatee,  ma aha markii ugu horreysay ee ay Maraykanka qalab Milliteri ugu deeqaan Ciiddanka Uganda ee ka hawlgala Muqdisho iyo Gobalka Sh/hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media