Maraykanka oo faahfaahiyey weerar ay Diyaaradaha Droneska la beegsadeen Alshabaab

Wargeyska The Los Angeles Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray inay Saraakiisha milliteriga Maraykanka faahfaahin kaa bixiyeen weerar aay Diyaaradaha Droneska isbuucii hore ka geysteen duleedka Degmadda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose.

Mas’uuliyiin u hadlay Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa u sheegay Wargeyska The Los Angeles Times inay duqeyntaasi ku dileen xubno ka tirsan Alshabaab.

Mas’uuliyiintaasi oo ka gaabsaday in magacooda la soo xigto ayaa sheegay inaysan Siyaasadda Maraykanka waxba iska beddelin, isla markaana ay sii wadi doonaan duqeymaha lala beegsanayo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale,  Wargeyska The Los Angeles Times ayaa qoray inay Diyaaradaha wax basaasa ee Maraykanka ururiyeen xog badan, oo horseeday inay  Ciiddanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ku guuleystaan Hawlgalladdii ay isbuucii hore qaadeen.

AMISOM iyo ciiddanka Dowladda Federalka waxay toddobaadkii hore dagaallo la galeen Alshabaabka ku sugan qeybo ka mid ah Goballadda Bay iyo Gedo,iyagoo la wareegay Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor